Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo soo noqday taliyihii asluubta kooxda Villa Soomaaliya hadana ka tirsan kooxda Laftagareen ayaa markii ugu horraysay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii isaga lagu dili rabay ee bishii hore ka dhacay gobolka Gedo.
Isagoo wareysi bixinayay ayuu sheegay in weerarkaas ay soo agaasimeen taliyaha sirdoonka kooxda Villa Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xasan Gurguurte.
Wuxuu intaas ku daray in duqeynta ay geysatay diyaarad nuuceedu yahay F16 oo uu Turkigu leeyahay isagoo eedaymo culus ujeediyay madaxda Kooxda Villa Soomaaliya.
Jeneraal Mahad oo Shubka ku magac-dheer wuxuu caddeymihiisa ku xoojiyay in gacanta lagu hayo ninkii hagayay duqeynta gurigiisa Dooloow, isagoona carabaabay in nin darawal u ahaa uu jaasuusay kadibna gacanta lagu dhigay.
Ninka jaasuuska ah ayuu sheegay in xiriir dhow la lahaa Cabduqaadir Tiktok oo ah guddoomiyaha baarlamaanka ee kooxda Villa Soomaaliya.
Ugu dambeyn Shubka ayaa ku goodiyay in ay dagaalka kusii wadi doonaan kooxda Gurguurte iyo maamulka Aadan Madoobe illaa ay ka qabsadaan magaalada Baydhabo.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
